Pages

Monday, June 10, 2013

Qurxinta Cagaha....Maxaa cusub.

 
Haday kugu cusub tahay iyo hadaad hore ula socotayba, qurxinta cagahu waxay ahayd mid soo jireen ah oo haweenka Soomaliyeed aad u xiiseeyaan.   Iyadoo hubaal tahay in marsashada xinaha, silsiladaha cagaha lagu xidho iyo waliba kabaha quruxda badani yihin hababka ugu caansan ee dumarku adeegsadaan, siday soo jiidasho gaar ah uGu sameyaan xubnahooda hoose.
 
waxa imika badatay xidhashada kaatumada cagaha, iyadoo naqshadaha iyo dhaxagaanta lagu sameeyaa noqdeen qaar marba marka ka danbeeya ka sii qurux badanaya kuwii sanadahii hore.  Silsiladaha cagaha oo iyaguna noqday kuwo ku koobneyn kaliya bir ayaa, imika 2013 lagu soo bandhigay dalka maraykanka kuwu ka duwan kuwii soo jireenka ahaa.  Waxaana hubaal ah in gabadha u badheedhaa tahay mid aan ka shiixayn marnaba in cagaheeda la eego, oo kalsooni buuxda ka qabta quruxdooda.
Ogow qurxinta cagahaagu inay ka bilaabanto daryeelka, nadiifinta, ilaalinta iyo nasida cagahaaga; oo aanay kaliya ku koobneyn dumarka xaragooda.  Cagaha oo ah xubnaha uGu hooseeya ee xejiya culayska iyo miisanka qofka bini'aadamka ah, ayaa aad ugu howlan sidida jidhkeena iyo howlaha maalinlaha ah ee culus.  Nasiib daro dad badan ayaan u arkin daryeelka iyo nasintooda waxaan muhiim ahayn, oo dayaca ilaalintooda.  Taasi oo ku keenta rag iyo dumarba cuduro badan oo ay ka mid yihiin dhabar xanuun joogto ah iyo daal faro badan.  Garasho la'aana ay u geyso in haween badani xidhaan kabo cabudhiya cagahooda oo cidhiidhi ku ah.  Iyagoo qaar kalena kaba nasanin kabaha cidhibta dheer oo iyaguna khatar galiya caafimaadka laf dhabarta iyo lugaha, oo marba marka ka sii danbeysa da'da haweenka cuduradaa ka cabanayaa si yaraanayso!

Naqsahadeynta xinaha oo ah tan ugu caansan ee gabdhaha somaliyeed marnaba ka maarmeynin, ayaa sanadba sanadka uu ka danbeeyo la soo saaraa naqsadho caalami ah.  Iyadoo naqshad Sudanigu ahayd tan ugu caansan sanadkii 2012ka, Waxa imika si weyn loogu noqday naqshadii isku darka ahayd ee khadaabka iyo xinaha cas sanadka 2013.  Waxa hubaal ah in xinahu marnaba ka baxayeynin quruxda hido raaca ah ee Soomaalida uuna yahay ka kaliya ee lagu astaameeyo gabadha gaarida ah ee quruxda badan..............Milgo USA

 

No comments:

Post a Comment