Pages

Friday, February 11, 2011

Qurxinta Suniyaha.


Indhahaagu waa muraayada qalbigaaga, waxa ay cabiraan dareenkaaga, farxadaada, xiisahaaga iyo ujeedadaada. Siday doonaan haday u qurux badan yihiin oo aanay habeysneyn Suniyahaagu, ma muuqanayaan waayo waxaa ka maqan nuurkii ifin lahaa; markay hagaajisan yihiina waxa soo baxaya bilicda iyo soo jiidashada indhahaaga.



Waxyaalaha aad u baahantahay ee lagu qurxiyo suniyaha waxa ugu muhiimsan:
1. makiinada suniyo qorka (sakiinta)ama rifaha suniyaha (eyebrow shaper).
2. qalinka suniyaha lagu buuxiyo (oo u eeg midabka timahaaga).
3. miikyaajka (makeup) indhaha soo saara sida:
- midabada indhaha dushooda la mariyo.
- bootarka qoyan ee qariyaha ah (concealer)



Noocyada suniyaha oo tiro badan ayaa waxay ku ku xidhan tahay qiyaasta dheeli tiran ee wajiga qofka taasi oo eebe siiyey. Waxa muhiim ah hadii suniyahaagu u baahan yihiin wax yar oo habeyn ah, xusuusnow in aanad isku howlin wax ka bedal weyn oo keeni kara aragaaga oo is bedela!

Cabirka saxan ee Suniyaha ka eego sawirkan sare ee midigta, kaasoo ku tusaya in suniyahaagu la sinaadaan bilowka ishaada ee xigta sanka; ay tahayna in ay si siman ugu sinaadaan kuna dhamaadaan koonaha shishe ee ishaada. Wixii intaa ka dheerna ay u ekaanayaan qaar aan qurux lahayn.  Balaca suniyahaagu ha noqdo mid aan aad uga dhuubneyn qiyaastoodii hore, iskana ilaali marsashada qalinka aadka u madow, hana noqdo mid u eeg ama in yar ka khafiifsan midabka dhabta ah ee timahaaga; kaasoo rasiin isku bedelaya marka aad marsato.

Hababka kala duwan ee suniyaha loo qoro oo soo maray wakhtiyo kala duwan ilaa imikana sii socda, waxa jirtay mar dumarku aad iskugu badin jireen qalinka madow bilowgii 80eedkii, markii laga baxayna ay si xoogan u bilaabantay dhuubida suniyaha oo aad loo xardhi jiray sidii dayax bishay; imika oo la odhan karo waa casrigii ugu wanaagsanaa horumarka suniyaha dabiiciga ah sababtoo ah waxay isku wada raaceen khubarada quruxdu imika in aanay habooneyn wax ka bedelida weyn ee dabeecada ilahay u dhaliyey qofka ee ay tahay uun in lagu dadaalo habeyn tooda oo kaliyi.

Halkan hoose ka daawo labadan fiidiyow ee aan tusaalaha idiinku soo xulnay.
Qaybta 1aad. Qorida Suniyaha.




Qaybta 2aad. Buuxinta iyo isku simida.

.

Fiiro gaara:
-Iska ilaali Qalinka qalinka aadka u madow oo ka dhiga suniyaha qaar aan dabiici u eekeyn.

-Halka fiidiyowga 2aad gabadhu isticmaashay MAC foundation, waad isticmaali kartaa noocaad haysato.

- Yareyso isticmaalka rifaha suniyaha kaasoo sababi kara nabaad guurka suniyaha, waxa ka fiican makiinada ama xabagta xiirashada (wax hair removal).

7 comments:

  1. woow fiidiyowgaan aad buu ii cawiyay walahi.
    Aad baan ugu helaa blogaaka masha'allah

    ReplyDelete
  2. Thanks..
    my site is http://wildlifeofindia-info.blogspot.in/

    ReplyDelete
  3. Hi there I am so grateful I found your webpage, I really found you
    by accident, while I was searching on Askjeeve for something else, Regardless I am here now and would just like to say thanks for a remarkable
    post and a all round interesting blog (I also love the theme/design), I don't have time to go through it all at the minute but I have bookmarked it and also added in your RSS feeds,
    so when I have time I will be back to read much more, Please do
    keep up the superb job.

    Visit my webpage: 24 Hour Plumbing Service Tampa

    ReplyDelete
  4. Hey I know this is off topic but I was wondering if you
    knew of any widgets I could add to my blog that automatically
    tweet my newest twitter updates. I've been looking for a plug-in like this for quite some time and was hoping maybe you would
    have some experience with something like this.
    Please let me know if you run into anything. I truly enjoy reading your blog and I look
    forward to your new updates.

    my page :: transmission repair san diego ca

    ReplyDelete
  5. Do you have a spam problem on this website; I also am a blogger, and I was wondering your situation; we have created some nice methods and
    we are looking to swap strategies with other folks, please shoot me an email if
    interested.

    Feel free to surf to my webpage: best ways to playful-kiss-yt-special-edition-episode-2-7-(eng)

    ReplyDelete
  6. The problem is that for the average person they lack that long term commitment to battle through all those "No's"
    to get to the "Yes". As you grow and have questions let's talk and I will let you know what questions
    I can answer and what questions will have to wait.
    You can also create your own site and sell
    crafts or other items you may have a talent for making, even baked goods.



    Also visit my website - stay at home mom jobs

    ReplyDelete
  7. I don't even know how I ended up here, but I thought
    this post was good. I don't know who you are but definitely you are going to a famous blogger if you aren't already ;) Cheers!



    Here is my web page: dui attorney portland oregon

    ReplyDelete